Hargeysa (W,N) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin dhibaatada Qaadku u hayo Bulshada, doorashooyinka iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Sheekhu wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in dhibaatooyinka haysta Bulshooyinka Muslimiinta ah ee reer Somaliland ka mid yihiin ay tahay inaan wakhti fiican la gelin shaqooyinka, maaddaama oo shaqada oo wakhti badan la galiyaa qayb ka tahay Horumarka Bulshooyinka Adduunka.
Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta maxaa halkaa Muslimiinta dhigay, maxaa halkaa inaga dhigay? Goorma ayuu Ilaahay yidhi shaqada bilaaba, goormaase inaga shaqooyinku bilaabmaan? Waar marka Salaadda Subax la Tukado dhulka Illaahay ku faafa oo shaqo taga, lama odhanin Guryaha ku noqda, waa wax Qur’aanka ku sugan. Bal Dadkeena Ciidda cunayaa bal orda Xafiisyadeena taga, waa 8 Saacadood oo aynu hurudno, waa 8 saacadood oo aynu Qaad raadinayno, waa 8 Saacadood oo aynu fadhino.”
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Hoggaanku yahay Dadka, balse haddii Bulshadu noqoto mid aan shaqo diyaar u ahayn aan horumar laga filaynin “Hoggaanku halkuu ka yimaaddaa ? Dadka ayuu ka yimaaddaa, maxaad ka filaysaa Dadka Muslimiinta ah ee noocaas ah, Maskaxdii baa lagala dagaalamay Muslimiinta, baldhan ma samaystaan Muslimiintu, biyo lama soo baxaan, nolol khayaali ah oo taraf ah (ayay nool yihiin). Isreal waa lix Milyan Qof, maxay ku gumaysanaysaa 57 Dawladood oo Muslimiin ah Maanta, oo ay Maanta Buuralayda Goolan Haytis u qaadatay, oo ay Quddus u qaadanaysaa, oo Maanta la wadaa inay Siinaay qaadato, ? Sababtu waa in Muslimiintii seexdeen oo aanay doonayn inay shaqeeyaan..”
Sheekha oo khudbaddiisa sii wadaa wuxuu Tusaale u soo qaatay Dalka Japan oo uu sheegay in dadkiisu shaqeeyaan 16 Saacadood “Japan malaha batrool, malaha Dhayman, waa Niman Maskaxda tuujiyey, Japan waxay yidhaahdeen Qofku ha shaqeeyo 16 saacadood, inaguna Waddooyinkii baynu xaadhi kari la’nahay. Waxaynu ku garaadsanay iyada oo Hargeysa gudaheeda Inanta Reerka u weyn iyo Hooyadu Qoysku intay Mafiiqo qaataan inay gurigooda hortiisa illaa Guriga ka soo horjeeda ay xaadho oo ay Ceeb ahayd in Gurigooda hortiisa lagu arko shay (Qashin), laakiin Maanta inta Qofku uu qashinka soo ururriyo ayuu Jidka badhtankiisa (dhigayaa), waar Dawladnimadu waa Dadka, bal Waddooyinkeena eega. Dawladnimadu maxay tahay, Dadnimadu maxay tahay, Qiyamka iyo Akhlaaqdu maxay yihiin..”?
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu khudbadda Jimcaha kaga hadlay dhibaatada dhaqaale ee Qaadku ku hayo Somaliland “Waar Qaadka iska daaya oo shaqeeya, waar Dalkan waalla qabsan doonaa haddaydaan Qaadka joojin, 9 boqol kun oo dollar baa Itoobiya gasha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay wax lala yaabo tahay in Dal Dadkiisu yar yihiin uu Boqollaal kun oo dollar uu Qaad kaga iibsado Dal ay Dadkiisu yihiin boqol kun “Marka deraasad la samaynayo waxa lagu odhanayaa suurto-gal maaha in Waddan Afar Milyan iyo badh ah, intaas oo dagaal ku dhaceen, leeleelay, intaas oo Qof ka dhaawacan tahay, ayaa 9 boqol oo kun oo Kaash ah uu Waddan la jaar ahi ka qaataa (Qaad kaga iibiyaa), iyagoon waxba kaga beddalan, waa Ummad gudahooda ka murmaya oo aan ogayn waxa ku xeeran.”
Sheekhu waxa kale oo uu ku baaqay in doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada la qabto “Illaahay hoggaanka ha inoo hagaajiyo, hoggaanka markaanu ka hadlayno maaha Wasiirrada iyo 160-kan (Baarlamaanka), hoggaanku waa Dadka, hoggaanku waa Culimada, hoggaanku waa Tujaarta, hoggaanku waa Aqoonyahanka, hoggaanku waa dhallinyarada, kuwaasaa wax beddela oo wax qabsada. Dalkan doorasho ayaa ku soo socota ee Dad wanaagsan doorta, Madaxweynaha waxa lagu qabanayaa 3 dalooloow 2, hadduu wax kasta sameeyo, waa haddii la doorto dad xor ah oo xaaraanta iyo xalaasha kala garanaya oo aan dalkooda laga laaluusheyn.” Ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey “9 bilood baa ka hadhay doorashada, Xisbiyada waxba kuma xidhna ee Madaxweynaha waxaanu leenahay waar fudaydi doorashada, Waayo? Ninkaa wax doonayaa haddii doorashada la suurto-gelin waayo, dariiq kale ayuu isticmaalayaa, markaa nabadgalyadeenaa ku xidhan doorashada. In doorasho la qabto oo la tartamo dadka sharciyeeyay ee barbar taagan ayaanu ka mid nahay, markaa doorashada hala qabto si aynu kuwan u beddelno, kuwo ka wanaagsan u doorano..”
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE