Hase-yeeshee warar laga helay xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegaya in xadhiga badhasaabku xigeenka gobolka ay ka danbeysay codsi ka yimi Odayaal kasoo jeeda Beesha uu ka geeriyooday alle ha u naxariistee Taliyihii shalay jid goynta ay u galeen dablayda aan la aqoonsan.
Sidoo kale, waxa wararku intaa ku dareen, in la isku afgartay in la aaso marxuumkii gaashaanle taliyihii gobolka saaxil Cabdirsaaq caseyr. Dilka taliyaha ayaan weli la aqoonsan cidda khaas ahaan ka danbeysay iyo in dablaydu cidda ay ahayd.