WAJAALE NEWS

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Shaaciyey Tirada Shaqaale ay Tacaddi kula kaceen……….waa Ayaan daro

Hargeysa(wajaalenews):- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay 35 ka tirsan Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaraddaas shaqo joojin lagu sameeyey, isla markaana hakad la geliyey Mushahaarooyinka iyo Gunnooyinka ay qaadan jireen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case) oo arrintan ka hadlay, ayaa ku dooday inay Shaqaalaha ay shaqada ay qaban jireen iyo Mushahaarooyinka iyo Gunnooyinka ay qaadan jireen-ba hakad geliyeen, inay yihiin Shaqaale mashaqaystayaal ah oo caadaystay sida uu sheegay inay googgooyaan wakhtiyada shaqada.

Maxamed Ilka-case oo waraysi kooban shalay siiyey Weriye ka tirsan Telefeshinka Kalsan, waxa kale oo uu sheegay inay Wasaaradda Warfaafintu markii ugu horreysay Lacagta ka soo baxda Kirada FM-yada Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da lagu wareejiyo Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo hore aanay Qasnadda dawladda dhexe ugu dhici jirin Lacagtaasi ee si gaar ah ay Wasaaradda Warfaafinta Masuuliyiinteedu u maamulan jireen.

isku soo wada duuboo tacadiyo intan ka badan iyo lacago la lunsado ayaa dalka ka buuxo nin waliba meesha ugu dhawo ayuu jeebada ku shubtay waxaad arkaysaa inta oo foojar oo wasaarad waliba ay leedahay oo aan ku dhicin ama ayna lahaynba foojarkan wasaarad maaliyadu ee ay toos u leedahay wasaaradaasi iyadoo dalkiina uu leeyaahay wasaarad maaliyadeed…………….. maxaad kula yaabi waa iska xaqul qalinkaase………

Hargeisa Office

xigasho aftannews.com

 

Exit mobile version