WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Wufuud Ka Kala Socota Wadamada faransiiska Iyo Denmark.

HARGAYSA(W,N) Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane Muuse Biixi cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wufuud ka kala socotay Wadamada faransiiska iyo Denmark oo ay kala Hogaaminayeen Safiirada Labadan Ukala fadhiya Somaliya,

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa waxa uu Safiirada labadan oo xiliyo kala duwan la kulmay ku bogaadiyey boqashada ay ku yimaadeen  Somaliland, isagoo ku hambalyeeyey doorka muuqda ee Dalka Denmark ka qaato kaalmooyinka sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (SDF), iyo hay’adaha ka hawl-gala Somaliland, iyo xidhiidhka saaxiibtimimo ee ka dhexeeya labada dal.

Halkan waftiga ka socday dalka faransiiska usoo djeediyay in ay kusoo biiraan wadamada ku bahoobay sanduuqa horumarinta Somaliland Ee SDF.

Sidoo kale waxa uu  madaxweynuhu xogwarran ka siiyey qorshayaasha xukuumadda ee shanta sanno ee soo socda iyo xaaladda guud ee abaaraha ka soo cusboonaaday xeebaha iyo gobolada dalka, waxaanu ku dhiirri-geliyey madaxweynuhu sidii ay gacan uga geysan lahaayeen arrinta abaaraha.

Dhanka kale waxaa iyana dhinacooda ka hadlay safiirada faransiiska iyo Denmark kuwaasi oo dhamaan Somaliland ku Amaanay doorka fiican ee ay ka gaadhay dhinacyada dimuqraadiyada doorashooyinka,

XUBNAHA KA SOCDAY DALKA DENMARK

Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso Anne Elisabeth oo ah madaxa xafiiska Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark  u qaabilsan ee Somaliland ee DANIDA.

WAFTIGA FARANSIISKA

Xubnaha Weftiguna waxay ka koobnaayeen

  1. Safiirka Faransiiska u qaabilsan Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Antoine Sivan,
  2. Emmanuel Dagon
  3. Colonel Ducharme,
  4. Abdehnor Brahmi
  5. Jean Pierre Tutin

 

WAJAALENEWS DESK

HARAGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

Exit mobile version