WAJAALE NEWS

Hargeysa: Lammaane Caddaan Ah oo Dhigtay Aroos Soomaali

Hargeysa (WJN)– lammaane u dhashay dalka Canada ayaa xafladda arooskooda ku dhigay magaalada Hargeysa, waxaana baraha ay bulshada ku kulanto lays la dhexmarayey sawiro muujinaya caruusadda oo xidhan dharka dhaqanka ee ay Soomaalidu xidhato xiliyadda arooska hadaba waxaanu lamaanahaasi laga waraystay sababta ay u doorteen in ay arooskooda ku qabsadaan magaalada Hargeysa iyo sababta ay u xidheen dharka dhaqanka iydoo Soomaalida intooda badan ay jecelyihiin in xiliga arooska ay xidhaan taashka.

Mid ka mid ah lammaanahan, ayaa waxa la weydiyay sababta ay u doorten inay halkan xafladda ku samaystaan, waxa ayna ku jawaabtay.

‘Haa aniga iyo ninkii aan u doodananaa waxaan go’aansanay inaan isguursano maxaa yeelay waxaan wada soconay muddo afar sanno, labo sano oo kamid ah afarta sano ee aan wada soconay waxaan ku noolaa magaalada Hargeysa dadka halkan joogana waxaan nahay saaxiibo waxa muhiim ii ahaa waa saxiibadeyda jooga dalka Canada sidaasi darteed waxaan go’aansannay inaan halkan xaflad ku sameysano maxaa yeelay saxiibadeenna Somaliland oo aan imaan karin canada sidoo kale bisha July ayaa xaflad kale ku sameysanaynaa Canada’

Baraha bulshada Soomaalida ayaa waxa qabsaday hadal hayna arooskan iyo muuqaaladdooda oo aad u qurux badan, dharka hidaha iyo dhaqanaka ayey lammaanahan ku labisteen arrintas oo ka yaabisay dad badan.

Caruusadda ayaa sheegtay sababta ay u dooratay inay ku labisato dharkan, waxayna tidhi, ‘Waxaan u doortay dhaqanka Somalida maxaa yeelay wuu qurux badanyahay aroosyada asxaabtayda ee aan tagayna waan ku arkay waana ka helay naqshadooda, wuu qurux badanyahay aad ayaana u jeclayahay dhaqanka Somaliland.”.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version