WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Jsl Oo Qaabiley Dhalinyaro Tiro Badan Oo laga Soo Celiyay Liibiya.

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha haayada barakacayaasha iyo saraakil kale oo kamida hayada barakacayasha ayaa saaka madaar cigaal kusoo dhaweeyay 23 dhalinyaro ah oo tahriib ay ku tageen dalka liibiya dib looga soo celiyay.

Dhalinyrada laga soo celiyaqy tahriibka ayaa ka koobnaa 22 rag ah iyo hal qof o haween ah.

Gudomiyaha haayada Qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland cabdikarim Axmed maxamed (xinif) oo dhalinyarada ku qaabilay xafiiskisa isagoo ugab mahad celiyay cidkasta oo kazoo qaybqadatay sidii dalka loogu soo celin dhalinyarada oo ku tabaalaysnaa dalka liibiya oo xiligan dagaalo iyo khalalaase xoogani ka jiro.

Gudoomiye xinif oo arimaasi ka hadlayaana wuxu yidhi. Waxam aad iyo aad ugu faraxsanay in aan maanta soo gaadhaan dalkiinii hooyo.runtii war war badan ayay nagu haysay xaalada Aad ku sugnaydeen, anaka oo marwalba sidii aad idinkoo nabad qaba usoo gaadhi lahaydeen dalka ku hawlanayn,

Waxyaabaha warwarka badan nagu sii hayay waxa kamid Ahaaa xaalada uu ku sugnaa (Najax) ilaa maalintii ay bilaabantay qaban- qaabada dib usoo noqoshadiina oo ay hadh iyo habeenba nala soo xidhiidhaysay Hooyadii oo Iyadoo warwar badani ka hayay dhibta iyo xaalada xaafimaad ee u ku sugnaa wiilkeeda taasi oo saacadaha qaar saamayn nagu yeelanaysay,waa Ilaahay mahadii mar hadii aad maanta soo gaadheen dalkiinii Hooyo.

Waxaan filayaa in aad maanta waayo arag tihiin xaalada rasmiga ah ee tahriibkana aad aqoon fiican uleedihiin, waxaynu ubaahanay in aynu ka wada shaqayno sidii dhalinyarada reer Somaliland aad noogala wacyi galin lahaydeen Aafada tahriibka” Ayuu yidhi gudoomiyaha haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha jsl.

Maaha markii ugu horaysay ee dhalinyaro tahriibtay dalka dib loogu soo celiya balse tiraba dhawr jeer oo hore ayaa dalka dib loogu soo celiyay dhalinyaro waxaana soo celinta dhalinyrada tahriibtay qayb wayn ka qaatay haayadaha IOM IYO UNHCR.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version