Hargeisa(Wajaalenews)Gudidii Dhexdhexaadinta Iyo Isu Soo Dhawaynta Khilaafka Xisbiga Muxaafadka Ah Ee KULMIYE Ayaa Maanta Garabkii Xukuumada Kulan La Qaatay.
Sida Ay Shabakada Wararka Ee Wajaalenews Ay U Xaqiijiyeen Kulaalayasha Madbakha Aqalka Madaxtooyada Ayaa Ku Soo Waramaya In Kulankan Oo Uu Goob Joog Ka Haa Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)Ay Odayaashu Halkaasi Ugu Soo Bandhigeen Badheedhahooda Ay Ku Xalin Doonan Khilaafka Xisbiga KULMIYE.Waxaana Ay Wararku Tibaaxayaan In Madaxweyne Siilaanyo Isna Dhiniciisa Uu Uga Xaalwaramay Waxyaabaha Uu Ka Madaxweyne Ahaan Uu Kaga Cabanaayo Hogaanka Xisbiga KULMIYE.
Wararku Waxaa Ay Intaasi Ku Darayaan In Ay Meel Isla Dhigeen Qodabada Ay Ka Duulidoonaan Ee Salka Iyo Aasaaska U Noqon Doona Waxyaabaha Xalka U Ah Khilaafka Xisbiga Muxaafadka Ah Ee KULMIYE
Shacbiga Reer Somaliland Ayaa Ilaa Maalmihii Ugu Danbaysay Waxaa Ay Si Aada Ugu Dhursugayeen Waxa Ay Odayaasha Guurtidu Ku Xalin Doonaan Khilaafka Xisbigaas
Wajaalenews.net
Hargeisa/office
c/raxmaan carab