Hargeysa (WJN)– Guddoomiyihii maxkamada gobalka Maroodi Jeex Axmed Dalmar ayaa maanta shaaciyey in uu iska casilay xilka gudoomiye-nimo.
Dhinaca kale Axmed Dalmar Ismaaciil guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa diiday Xilka loo Magacaabay ee ah inuu ka mid noqdo Garsooreyaasha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex “Anigu shaqadii Garsoore-nimo ee aan Garsoorka u hayey waan iskaga tagay oo anigaa iskay uga tagay..” ayuu yidhi, Gar-yaqaan Dalmar oo Hargeysa kula hadlayey Warbaahinta.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wariye: Xamse Jirde
Wajaalenews Desk
Hargeysa Office