WAJAALE NEWS

Faransiiska Oo Saldhigii Militery Ee Ay Ku Lahaayeen Jibouti, U Raraya Massawa Eritrea

Sida uu SHeegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Ismaciil Cumar Geelle, oo horaanti todobaadkan weraysi siinaayay wergeyska Jeune Afrique, ee ka soo baxa dalka Faransiiska, ayaa shaaca ka qaaday, in saldhigii Military ee dalka Faransiisku ku lahaa magaaladda Jibouti, uu u rarayo dhinaca iyo magaaladda xeebta ah Massawa ee dalka Eritrea.
Madaxweyne Geelle, wuxuu sheegay, in sababtu tahay Faransiiska oo dhisaya ciidamadda Badda ee dalka Ethiopia, oo saldhigoodu noqon doono magaaladda Massawa.

“Madaxweyne Macron kulankii aanu bishii hore yeelanay, wuxuu ii sheegay inay u rari doonaan saldhigooda Jibouti ay ku lahaayeen, dhinaca Eritrea, iyagoo ka caawinaya Ethiopia, dhismaha ciidamadda badda, anaguna wanaag ayaanu u rajaynayna” ayuu Mr. Geelle ku yidhi weraysiga.
Barta Eritrea Press ay ku leedahay Facebook, oo lagu xardhay warkan, ayaa u muuqatay in Eritrea ay si jees jees ah warbaahinteeda u muujinayso, guulaha ay qaaday iyo dadaalka diblomaasiyadeed oo ay kula tartamayso Jibouti, saldhigyada militeryga ee biyaha bedda cas.

Dalka Eritrea ayaa hore u siiyay saldhig militery dalka Emirateka Carabta. Oo Isaga ay hada isku dhacsan yihiin dalka jabuuti

Exit mobile version