WAJAALE NEWS

Gudida Joogtada Ee Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Su’aalo Waydiiyay Hanti Dhawraha Guud

Hargeisa(W.N):-Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland Ayaa maanta Su’aalo weydiiyay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir.

Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa ka hadlay Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir, Waxaanu yidhi “Waxa noo yeedhay Gudidda joogta ah ee golaha wakiiladda Somaliland, anaguna waxa aanu kala hadalnay wixii noo qabsoomay, waxaanan isla garanay warbixintaas wixii ay ka helaan ay ku camal falaan, anaguna aanu ku camal falno wixii ay noo soo jeediyeen.

Isla markaana aanu si joogto ah u wada shaqayno, si hawsha aanu qaranka u wada hayno si wada

 

jir ah ugu gudano, wixii danbena waanu u soo  noqon doonaa” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Dirir.

Exit mobile version