|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudida Joogtada Ee Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Su’aalo Waydiiyay Hanti Dhawraha Guud
June 25, 2018 - Written by Editor:Hargeisa(W.N):-Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland Ayaa maanta Su’aalo weydiiyay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir. Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa ka hadlay Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir, Waxaanu yidhi “Waxa noo yeedhay Gudidda joogta ah ee golaha wakiiladda Somaliland, anaguna waxa aanu kala hadalnay wixii noo qabsoomay, waxaanan isla garanay warbixintaas wixii ay ka helaan ay ku camal falaan, anaguna aanu ku camal falno wixii ay noo soo jeediyeen. Isla markaana aanu si joogto ah u wada shaqayno, si hawsha aanu qaranka u wada hayno si wada
jir ah ugu gudano, wixii danbena waanu u soo noqon doonaa” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Dirir. Related posts:Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gaadhay Fadhiisimada Ciidamada Qaranka Ee Jiida Tukaraq Ee ... Xukuumada Somaliland Oo Sharaxday Sababta Ciidamadu Ugu Daateen Gabdho Dhaqan Celis Ahaa Oo Intoodii... Madaxweyne-ku-xigeenka Jsl Oo Sagootiyey Koox Maqalka Naafada Ka Ah Oo Tartan Caalami Ah Kaga Qayb-g... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|