Hargeysa (WJN)- Siyaasi Cali Axmed Canter oo ka mida masuuliyiinta sar sare Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegay in aanu Xisbigooda haba yaraatee siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur ku matalin ka qayb galka munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagu dhagax dhigayay dhismaha jidka isku xidha Wajaale iyo Berbera, isagoona tilmaamay in Xisbigooda dhawaan war qoraal ah ka soo saari doono inaanu Siyaasigaasi ka mid ahayn Xisbiga Waddani.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka