WAJAALE NEWS

Maxamed Cali Waji oo Loo magacaabay Agaasimaha Telefiishanka Qaranka Somaliland

Hargeys (WJN)-Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi gelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Telefiishanka Qaranka Somaliland Muuse Jaambiir.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa Maxamed Xasan Cali Weji u magacaabay Agaasimaha Cusub ee Telefishanka Qaranka.

Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray, waxaanu Agaasimaha Cusub faray inuu si degdeg ah ula wareegto xilka uu u igmaday, isagoo Agaasimihii hore ee TV-ga Qaranka Somaliland uga mahadceliyey sidii ay u soo wada shaqeeyeen muddadii uu xilkaas hayey.

Warqadda lagu magacaabay Maxamed Xasan Cali Weji isla markaana noqon doona Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, waxay u qornayd sidan:-

Exit mobile version