WAJAALE NEWS

Warar Dheeraada oo Ka Soo Baxaya Burburka Diyaarada Ethiopian Airlins

Addis Ababa (WJN)– Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in ayna jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saaka halkaas ka dhacay.

Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta kusii wajahan, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qarax aad u weyn, meeshana uu ka dhashay holac la damin la’yahay.

Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedig ah, iyo waliba carruur.

Diyaaradda oo ah Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.

Sida ay sheegen masuuliyiinta sharikadda Ethiopian Airlines,Diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda.

Afhayeen ayaa sheegay in diyaaraddu ay burburtay maanta oo Axad ah markay saacaddu ahayd 8:44, wax yar kadib markii ay kasoo duushay magaalada Addis Ababa.

Hadalkii ugu horreeyey ee burburka diyaaradda ayaa kasoo baxay Raysal Wasaare Abiy Ahmed isagoo tacsida shilkaas ku qoray bartiisa Twitter-ka.

War qoraal ah ayay sharikadda diyaaraddaas waxay ku sheegtay in baadhitaanka iyo samatabixintu ay ka socdaan halkii ay diyaaraddu ku burburtay oo u dhow magaalada Bishoftu oo 60km Koonfur Bari ka xigta Addis Ababa.

Wali masoo bixin wax faahfaahin ah oo kasoo baxay tirada dadka ay waxyeelladu soo gaadhay. Mana caddda waxa sababay burburka diyaaradda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay ” Shaqaalaha sharikadda Ethiopian Airlines ayaa loo diri doonaa goobta uu shilku ka dhacay, waxayna samayn doonaan wax kasta oo karaankood ah, si ay gacan uga gaystaan adeegyada dag dagga ah”

Boeing, oo ah sharikadda samaysay diyaaradda, ayaa twitter-keeda ku sheegtay in ay ” Si dhow ula socdaan xaaladda”.

Diyaaradda ay sharikaddaasi samaysay ee 737 Max-8 ayaa ku cusub duulimaadyada, waxaana la daahfuray sanadkii 2016-kii. Waxaana duulimaadyada Itoobiya lagu soo daray sanadkii hore .

Diyaarad isla noocaas ah ayaa shan bilood kahor ku burburtay meel u dhow biyaha dalka Indonesia waxaana saarnaa 190 qof oo rakaab ah.

 

WAJAALENEWS DEKS

ADDIS ABABA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version