Jigjiga (WJN)- Shir ay isugu yimaadeen laamaha amniga ee degaanada bariga Itoobiya ayaa maanta waxaa uu ka furmay hoolka shirarka ee Qaryaan dhoodaan ee magaalada Jigjiga.
Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka dawlada deegaaanka Soomaalida, madaxda laamaha amniga, Canfarta, Oromada iyo Hararida, waxaana shirka guddoominayay saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka iyo sidoo kale Hogaanka Nabadgalyada ee degaanka Soomaalida.
Haddaba shirkan ayaa waxyaabihii lagaga hadlay waxaa kamid ahaa sidii loo xoojin lahaa amniga xuduudaha degaanadaas, arrimaha kootarbaanka, iyo sidoo kale sidii la isugu celin lahaa wax yaabihii ay kala qaateen reer miyiga dega xuduudaha degaanadaas.
Degaamadan maanta uu shirku uga furmay magaalada Jigjiga ayaa waxaa dhexdooda jiray colaad inta badan ka dhex dhacda goobaha xuduudaha degaanada, waxaana la filayaa in qodobo muhiim ah oo amniga wax lagaga qabanayo uu kasoo baxo shirkan.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/_Jkah5i-LcY
Wajaalenews Desk
Jigjiga Office
Wajalenews@gmail.com