WAJAALE NEWS

Golayaasha Deegaanka Somaliland oo Muddo Xileedkoodii Uu Dhammaad Yahay

Hargeysa (WJN)- Golayaasha degaanka Somaliland ayaa taariikh ahaan soo maray laba marxaladood oo kala ah, in markii ugu horreysay ay maamuli jireen magaalooyinka Somaliland, oo maayirro iyo maayirro ku xigeen ay soo magacawdo dawladda dhexe.

Marxaladda labaad ayaa iyana ah, in sanadkii 2001 ay guud ahaan shacabka Somaliland u codeeyeen dastuur oo cusub oo dhigaya nidaam cusub.

Dastuurkaasi ayaa waxuu dhigayey in degmo walbo gaar isu maamusho, oo samaysato gole degeaan oo iyada u gaar ah, isla mar ahaantaana shacabku soo doorantaan iyaguna ay iska sii dhex doortaan maayarro iyo ku xigeennadooda.

Xildhibaanada golayaasha deegaanka ee Somaliland ayay ahayd in maalitkii shalay lasoo doorto, maadaama xilligii loo asteeyey u ahaa 29 bishan March.

Xildhibaanada imika jooga ayaa la soo doortay sannadkii 2012-ka, waxaana shantii sanno ee la doortay ay ku ekayd sannadkii 2017kii.

Muddadaasi wixii ka dambeeyay ayayna suurto gelin in doorasho la qabto, waxaana laba sanno oo dheeraada loogu daray inay xilka sii hayaan taasi oo iyana haatan dhamamaad ah.

Ilaa imika ma jirto xog rasmiya oo xukuumadda kasoo baxday oo ah waxa laga yeelayo maaddaama doorashadii lagu keeni lahaana kuwo kale ay dib u dhacday.

Golayaasha deegaanka ayaa inta badan dadku ku dhalliilaan waxqabad yaraan dhanka dhismaha jidadka iyo nadaafadda magaalooyink ah iyo guud ahaan howlihii loo igmaday.

Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka tirsan mac-hadka cilmibaarista ee CPA ee Somaliland oo BBC-da uga waramay waxa uu dastuurku dhigayo marka sidaan oo kale muddo xileedku uga dhammaado golayaasha oo aan doorashaduna dhaweyn ayaa sheegay in “Marxaladda haatan Somaliland ku jirto ee ah, in golihii degaanka muddo xileedkii uu ka dhammaaday ayna wax hore u soo dhacay, Balse haddii aanu jirin muddo xilliyeed cayiman maadaama aan cidna ugu darin, ay tahay in si ku meel gaadh ah loogu sii wareejiyo xogyaha golaha degaanka, illaa iyo inta doorasha laga gaadhayo” .

Exit mobile version