Jigjiga (WJN)- Waxaa maanta la soo gabagabeeyay xuskii toddobaadka magaalooyinka oo muddo 7aad ah ka soconayay caasimadda dawlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga.
Sidoo kale Waxaa Caawa hoolka shirarka ee KAALI lagu qabtay xafladdii xidhitaanka xuska toddobaadka magaalooyinka, waxaana kasoo qayb galay madaxda dawladda degaanka u saraysa oo uu u horeeyo Madaxwaynha Dawlad deegaaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, waxaa sidoo kale kasoo qayb galay madax heer fadaraal ah.
Xafladdan ayaa inta ay socoto waxaa abaal gud la guddoonsiin doonaa xubnihii firfircoonida muujiyay intuu xusku socday, waxaa sidoo kale la magacaabi doonaa magaalada martgalin doonta xuska kan xiga.
WAJAALENEWS DESK
JIGJIGA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM