Xaflad Lagu Soo Xidhayo Xuskii Magaalooyinka Itoobiya oo Ka Socota Jigjiga (SAWIRRO) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaflad Lagu Soo Xidhayo Xuskii Magaalooyinka Itoobiya oo Ka Socota Jigjiga (SAWIRRO)
February 21, 2019 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)- Waxaa maanta la soo gabagabeeyay xuskii toddobaadka magaalooyinka oo muddo 7aad ah ka soconayay caasimadda dawlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga.

Sidoo kale Waxaa Caawa hoolka shirarka ee KAALI lagu qabtay xafladdii xidhitaanka xuska toddobaadka magaalooyinka, waxaana kasoo qayb galay madaxda dawladda degaanka u saraysa oo uu u horeeyo Madaxwaynha Dawlad deegaaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, waxaa sidoo kale kasoo qayb galay madax heer fadaraal ah.

Xafladdan ayaa inta ay socoto waxaa abaal gud la guddoonsiin doonaa xubnihii firfircoonida muujiyay intuu xusku socday, waxaa sidoo kale la magacaabi doonaa magaalada martgalin doonta xuska kan xiga.

 

WAJAALENEWS DESK

JIGJIGA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS