WASHINGTON. D.C (WJN)- Ugu yaraan 21 ruux ayaa u dhimatay sababo la xidhiidha qabow iyo cimilo baraf wadata oo ku dhufatay qeybo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka waddanka Mareykanka.
Cimiladan khasaaraha dhalisay ayaa lagu tilmaamay tii ugu qaboobeyd ee dalkaas soo marta muddo tobannaan sano ah.
Dad ay tiradoodu gaadheyso 90 malyan oo qof, oo u dhigma saddex meelood hal meel oo ka mid ah shacabka Mareykanka ayaa hadda ku nool jawi aad u qabow oo cabirkiisu uu la egyahay -17C (0F) ama ka sii hoose.
Qiyaastii 250 milyan oo shacabka Mareykanka ah ayaa si guud u dareemay cimiladan qabow oo lagu magacaabay “polar vortex”.
Cisbitaallada ayaa la geeyay dad aad u fara badan oo u baahan in laga daaweeyo dhibaatooyinka uu qabowga u keenay, iyadoo qeybo ka mid ah dalkaasna ay howlihii caadiga ahaa hakad galeen.
Dabayaaqada wiigan ayaa la filayaa in darajada heer kulka ay xoogaa sare u kacdo.
Waa ayo dadka ay waxyeellada soo gaadhay?
Dadka hoy la’aanta ah ama darbi jiifka loo yaqaanno ayaa wajahay khatarta ugu weyn, iyadoo xitaa magaalooyinka laga sameeyay xarumo diirran oo gabbaad laga dhigto.
Hase ahaatee dadka qaarkood ayaa u badheedhay qabowga ba’an ee barafka wata.
Haweeney da’deeda lagu sheegay 60 sano ayaa meydkeeda laga helay guri laga kala cararay oo ku yaalla magaalada Lorain ee gobolka Ohio.
Dadka qaarkood waxaa meydadkooda laga helay masaafe wax yar u jira guryahooda.
Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in nin ka mid ah dadka qabowga dartii ugu geeriyooday xaafadahooda aanu xidhneyn dhar uu qabowga iskaga caabiyo.
Wiil kale oo 18 sano jir ah isla markaana arday ahaa ayaa Arbacadii la helay isagoo aan wax dhaqdhaqaaq ah lahayn oo yaalla meel aan ka fogeyn iskuulkiisa oo ay ka dhaceysay dabeyl uu qabowgeeda heerkiisa gaadhayay -46C (-51F). Goor dambe ayuu ardaygaas Cisbitaalka ku geeriyooday.
Maalintii Salaasadii ahaydna nin kale ayaa qabow dartii ugu dhintay geerash ku yaalla magaalada Milwaukee oo ka tirsan gobolka Wisconsin.
Isla magaalada Milwaukee, haweeney 38 jir ah ayaa Makhribnimadii Arbacada meydkeeda laga helay gurigigeeda dhexdiisa.
Qabowda daran ee ka dhacaya waddooyinka ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dhimashada horseeday.
Askari booliska ka tirsan oo 22 jir ah iyo xaaskiisa ayaa geeriyooday ka dib markii uu gaadhigooda ku dhex dhacay baraf waddada buuxsamay.
Tirada dhimashada ayey suurta gal tahay iney wali sare u sii kacdo.