WAJAALE NEWS

“Somaliland Waxa Ka Dhiman Uun, Hal Mar Oo Hogaamiye Run ah Oo Aragti fog lihi Uu Taladeeda Gacanta ku Qabto Kana Gudbiyo Marxaladdan Ay Ku Rafatay”Cali Guray.

“Dunida Carabta Oo Dhan Tuunis Iyo Aljeeriya Ayuun bay Madaxwaynayaashoodu ku yimaadda doorasho, In kastoo Aljeeriya Xabiib Burqiiba oo Gaadhi curyaam lagu Riixayaa uu Markii Shanaad Musharax Yahay”Cali Guray.

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo kamida ah shaqsiyaadka reer Somaliland ee aalaaba ka faalooda siyaasada geeska iyo guud ahaan arimaha carabta ayaa ka hadlay qorshaha madaxwaynaha dalka masar ku doonayo in uu talada dalka kusii hayso ilaa 2034 kaasi oo ku hawlan sidii uu ubadali lahaa xeerarka uyaalada dalkiisa.

Sidoo kale Cali Guray ayaa qorshaha madaxwayne sisi barbar dhigay hogaamiyayaasha carabta kale iyo damcan sida ay udhaqmaan madaxwaynayaasha Somaliland oo iyagu ku yimaada doorshada shacabka ee one man one vote. Iyo sida ay u kala fogyihiin.

Siyaasi cali guray ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay bata uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

MADAXWAYNE SISI OO QORSHAYSTAY INU KURSIGA KU SII FADHIYO ILAA 2034ka

Hadraawi waxan ka qoray

AFKII TOORI-DHOOBLAHA

MARKUU GACAN TOGAALAHA

KU DHAMAYSTAY TIISII

YIDHI TOOJO WIILKAA

TOOGADIISA KAA WAA

MISNE TOORIN KUU QORAY

KUGU MAAL TAB IYO X EEL

TAANA WAAN NAQAANAA

TOOBADAYNA YEELKAA.

(Maansada Taawilo)

Madaxwayne Sisi marka uu laba muddo xileed oo min afar sanadood ah dhamaysto hadana wax ka bedelka dastuurku wuxu siinayaa in laba muddo xileed (12 sanadood) oo kale xilka sii hayo. Isugayn 20 sanadood marka uu dhamaysto 2034 laga yaabaa in hadana dastuurka uu furo oo loo ogolaado inu noqdo life president Madaxwayne intuu nool yahay xukunka haysta sidii madaxwaynayaashii isaga ka horeeyay marka laga reebo Mursi oo isagu ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay ee dadku ay si dimuqraadi ah u soo doorteen balse Sisi uu inqilaabay markii uu dhamaystay sanadkiisii ugu horeeyay.

Dunida carabta oo dhan Tuunis iyo Aljeeriya ayuun bay Madaxwaynayaashoodu ku yimaadda doorasho in kastoo Aljeeriya Xabiib Burqiiba oo gaadhi curyaam lagu riixayaa uu markii shanaad musharax yahay. Makaa Somaliland oo shan sanadood oo doorasho ah iyo laba sanadood oo muddo kordhin ah ka badan aanu Madaxwayne ka badsan karaa jirin hadii marka uu dhamaysto shanta hore aanu doorasho qaban oonu ku guulaysanin shan sanadood oo kale taas oo runtii aan ahayn mid dhib yar balse dalal badan oo dunida ah ayay ka horaysaa. Waxa ka dhiman uun hal mar oo hogaamiye run ah oo aragti fog lihi uu taladeeda gacanta ku qabto oo uu ka gudbiyo marxaladdan ay ku rafatay.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

Exit mobile version