WAJAALE NEWS

Somaliland: “700,000 Qof Waxay Wajahayaan Gaajo Abaaraha Dartood”.NRC

Hargeysa (WJN)- Deegaano badan oo Somaliland ah waxaa ka taagan abaaro aafeeyey deegano badan xoolaha ayaa dhamaanaya dadkuna wey liitaan.

Dadka rafaadsan waxay u badan yihiin xoolo dhaqato ay biyo la’aan iyo cunnto yari ay saameysay, waxayna u qaxayaan magaalooyiinka iyo meelaha biyaha ka agdhow.

Sidoo kale waxaa jiray dad gabi ahaanba ay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen.

Abaaraha ka taagan qeybo kamid ah Somaliland ayaa waxay horseedeen in dad ka badan 700,000 qof ay wajahayaan gaajo, sida ay sheegtay ha’yadda NRC.

Ha’yadda waxay sheegtay in dadka ay u baahan yihiin gargaar bini aadanimo oo deeg deg ah.

Warbixinta ha’yadda NRC ayaa lagu sheegay in roobabkii ka da’i jiray deegaanada Somaliland ay daaheen.

Agaasimaha ha’yadda Norwegian Refugee Council (NRC) ee u qaabilsan Somaliland Victor Moses, ayaa sheegay in dadka la daalaca dhacaya gaajada ka dhalatay abaaraha ay u badan yihiin carruur iyo haween.

Exit mobile version