WAJAALE NEWS

Shir Madaxeedka Wadamada Carabta iyo Midowga Yurub oo Maanta Ka Furmaya Shirmal El-Sheikh

Sharmal El-Sheikh (WJN)- Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Sharmal El-Sheikh ee dalka Masar uu ka furmo shirka madaxda wadamada Carabta iyo midowga Yurub.

Shirkaasi ayaa looga hadli doonaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka iyo Amniga, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.

Wadamada Midowga Yurub ayaa xilligan waxa ay doonayaan inay xidhiidh wanaagsan la yeeshaan Wadamada Carabta oo qaarkood ay qani ku yihiin Shidaalka iyo Saliida,waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah wadamada Yurub ay martigeliyaan Qaxooti Carbeed oo wadamadooda dagaalo uga cararay.

Exit mobile version