WAJAALE NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Sii Daynta Abwaan Cabdiraxmaan Abees

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horaysay ka hadley sii daynta Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ay maalintii shalay ahayd Maxkamadda gobolka Maroodi jeex xoriyadiisii dib ugu celisay.

Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, waxa carrabka ku ballaadhiyey in qaranku leeyahay garsoor u madax bannaan hawlihiisa, isaga oo si gaar ah u hambalyeeyey go’aanka ay waaxda garsoorku kusii daysay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo muddo xabsiga ugu jirey eedaymo loo haystay, isaga oo bushadana ku adkeeyey inay ilaaliyaan shuruucda dalka.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version