Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Dhalinyarada, Aqoonyahanka Koonfurta iyo Bariga Hargeysa. Kulankaas oo lagaga wada hadlay arrimo qaranka dan u ah.
Kulankaa dhalinyaradu Madaxweynaha la qaateen waxa lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo difaaca qarannimada, waxaanay madaxweynaha iyo Xisbi Xaakimka Kulmiye u balan qaadeen sidii ay qarankan u sii hoggaamin lahaayeen, kuna barbar istaagi doonaan doorashada fooda inagu soo haysa.
Madaxweynaha Waxa kulanka ku wehelinaayey Masuuliyiinta Xukuumadda ku metela Degaamadaas oo ay ugu horeeyaan Wasiir ku kuxigeenka, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Muuse Ibraahim Yuusuf (Muuse Salaf), Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada Somaliland, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, Komishaneer Mustafe Maxamed Cawil iyo siyaasiyiin kale ay ka mid yihiin Xildhibaan hore Mudane Maxamed Cabdi Yoon iyo Badhasaaab ku xigeenkii hore ee gobolka hawd, Mudane Warsame faarax soomaali
Wa-bilaahi Tawfiiq