WAJAALE NEWS

Dawlada Kenya Oo Xidhiidhka U Jartay Somaliya,Kuna Wargalisay Safiirkii Ujoogay Nayroobi In Uu Dalka Ka Baxo!

HARGAYSA(W,N) Dowladda Kenya ayaa xidhiidhka u jartay una yeedhay safiirkeedii Soomaaliya, ayada oo xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal.

Dhanka kale waxaa sidoo kale ay dawlada kenya 24 saacadood gudahood u qabatay inuu dalka kagaga baxo safiirka dalka somalia ee fadhigiisu yahay magaalada nairobi ee kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay ka cabaneyso in Soomaaliya ay xaraashtay deegaano shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay  Kenya.”

Warkan oo goor dhow uu baahiyey wargeyska Daily Nation Ayaa Wax Faah faahin ah lagu baahin wallow ay hore ujirtay muran xaga dhulka oo mudo udhexeeyay labadan dal

Ma jiro war la xidhiidha arrintan oo kasoo baxay dhanka somalia,

Wixii War ah ee  kasoo kordha xiisada siyaasadeed ee ka dhex istaadhan tahay Kenya iyo somaliya kala soco wararkeena danbe,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version