JIG JIGA(W,N) Madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada jig jiga kadib markii uu mudo ku maqnaa magaalada Adis ababa,
Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa markii uhoraysay ka hadlay khilaaf mudooyinkii udanbeeyay udhexeeyay madaxda deegaanka isaga oo sheegay in arintaa si khaldan ay uga faa,iidaysteen hadhaagii xukuumadii hore ee cabdi ilay
Sidoo kale madaxwayne Cagjar ayaa sheegay in uu dhamaaday khilaafkaasi lagana gaadhay is afgarad
Dhanka Kale Madaxwayne Cagjar ayaa hanjabaad culus udiray dadka arimaha ku hawlan faafintooda.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;