WAJAALE NEWS

Wasiirka Maaliyada Somaliland Iyo Dareenkiisa Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga Muxaafidka Ah Ee KULMIYE

cabdicasiis maxamed sHargeysa,(Wajaale News)-Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hamabalyeeyay xubnaha guddida qaban-qaabada shirwaynaha xisbiga Kulmiye ee dhawaan la ansixiyay, waxaanu sheegay in uu taageersan yahay kalsooni buuxdana ku qabo.

Wasiirka oo shalay ka hadlay kulan ay guddida fullinta ee xisbiga Kumliye iyo guddida cusub ee qaban-qaabada shirweynuhu la yeesheen Madaxweynaha iyo Madaxweyne

ku-xigeenka oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada ayaa hadalkiisa ku bilaabay“Dhismaha guddida cusub ee qaban-qaabada shirwaynaha xisbiga Kulmiye waan hamabalyaynayaa, waanan taageersanahay kalsooni buuxdana waan ku qabaa xubinka mid ahna dareen haba yaraatee kama qabo, hadday tahay 19-kii hore ee la magacaabay iyo hadday tahay 27-ka xubnood ee dambe, waa walaaladay oo intooda badan aasaaskii xisbiga ka soo qayb qaatay iyo inta kale oo ah rag halgamayaal ah oo asxaabta iyo ururrada kale inagu soo biiray rag kalsooni boqolkiiba boqol aan ku qabo weeyi oo aynu ku wada qabno,waa rag aan shakhsi u shaqayn doonin, balse inoo wada shaqayn doona oo ah dadkii munaasibka ku ahaa.”

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ayaa sharaxaad faaf-faahsan ka bixiyay aasaaskii xisbiga Kulmiye, islamarkaana xusay halganka dheer ee uu soo maray xisbigaas waxaanu yidhi, isagoo arrimahaasi ka hadlaya, “Xisbiga Kulmiye waxa la aasaasay 2002-dii, waynu la wada soconaa inuu yahay xisbi halgan dheer soo maray, ururradii xilligaa aasaasmay way badnaayeen waxaana isku soo hadhay lix urur oo tartamay saddexdii urur ayuu Kulmiye kaalinta labaad ka galay, doorashadii dhacday April 2003-dii oo musharaxa xisbiga uu ahaa madaxwaynaha hadda oo la yidhi 80 cod ayaa lagaaga guulaystay, nimaaan dadkiisa iyo dalkiisa u tudhayn muu aqbaleen natiijada lagaga guulaystay waad og-tihiin waxyaabaha ka dhaca Afrika iyo adduunyadaba in la isku dilo, samir ayuu u yeeshay 80 cod ayuu ku ogolaaday in lagaga guulaystay madaxtinimadiina kuwaayay 8 sannadood oo dambena sugayay oo uu tartamay 2010-kii doorashadii xigtay, taasoo uu ku guulaystay dhamaanteena guul inoo ahayd.”

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version