WAJAALE NEWS

“Xuuto Muxuu Ka Hadlayaa! Dalku Sharci Buu Leeyahay, Cidda Sharciga Ku Xadgudubtay Ma Bilayskaa Mise Waa Cali Seenyo”?Cali Guray,

“Ina Fadal Waa U Caado Ee Ceeb Kuma Aha Inuu Sharciga Ka Hiilayo, Sharci Darradana U Hiiliyo”Siyaasi Cali Guray.

Hargeysa (WJN)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbi Xaakimka KULMIYE ayaa si adag uga hadlay xadhiga xukuumadu kula kacayso shacabka iyo habdhanka ciidanka booliska oo uu eedo culus ujeediyay taliye fadal.

Sidoo kale siyaasi cali guray ayaa jawaab kulul a bixiyay hadalka gudoomiyaha solja oo isagu dhaliilay cali seenyo oo Cabasho ka muujiyay fal ay ciidamada boolisku kula kaceen

Siyaasi cali guray ayaa arimahan kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee fecabookga wuxuna udhignaa sidan;

“Hee daacad shalay markii la i xidhayayna cadaalad bay ahayd ayaa ka dhiman Xuuto warkiisa. Muxuu ka hadlayaa dalku sharci buu leeyahay cidda sharciga ku xadgudubtay ma bilayskaa mise waa Cali Seenyo?.

Dawladnimadu Waa In Sharcigu Shaqeeyo Oo Xukunku Uu Noqdo Qaynuunka Ee Aanu Noqonin Qofka. Yaa yidhi Ina Fadal Adiga Ayaa Qaynuunka ka Sareeya. Ina Fadal waa u caado ee ceeb kuma aha inu sharciga ka hiilayo sharci darradana u hiilyo.

Waryaada dhegaysta Siyaad Barre sax buu ahaa ee SNM baa gardarnayd oo dawlad dhan iyo dal dhan burburisay anigu qaadan kari maayo marka wixii Siyaad Barre aan ku diiday oo dhan maanta la igu yidhaa sax bay ahaayeen ee la xalaashado. Hadii wixii Siyaad Barre lagu diiday ee dalka dhan loo burburiyay sax ahaayeen aynu qirano in SNM dembiilayaal qaran ahayd waa taa ta lagu socdaaye ee la isu qurxinayo sacabkana la isugu tumayaaye.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Exit mobile version