WAJAALE NEWS

Xaaladda Magaalada Diridhaba oo Deggan

Diridhaba (WJN)- Wararka ka imaanaya magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in isku dhacyo u dhexeeya qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ay halkaasi ka dhaceen.

Rabshadaha wuxuu u dhexeeyay dhalinyaro ka tirsan labada dhinac, waxaana markii dambe xaaladda dejiyay booliska federaalka iyo booliska maamulka magaalada Diridhaba.

Dad ayaa ku dhaawacmay rabshadaha, waxaana hakad galay isu socodka dadka iyo gaadidka gudaha magaalada. Waxaa hadda deggan xaafado dhowr ah oo ay rabshadaha ka taagnaayeen.

Magalaada Diridhaba waxaa horre uga dhacay dagaallo dad badan ay ku dhinteen.

Magaalada Diri-Dhaba ee dalka Itoobiya waxaa ka socday dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro iskudhacyo ay dad ku dhinteen oo marar badan halkaasi ku dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Exit mobile version