WAJAALE NEWS

Waxyaabaha Muhiimka Ah Ee Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Xukunka Xijaabka Ee Kenya

Nairobi (WJN)- Maxkamadda ugu sareysa dalka Kenya ayaa kasoo horjeedsatay go’aankii maxkamadda racfaanka ee ahaa in saddex gabdhood oo Islaam ah ay iskuulka ku xidhan karaan xijaabka.

Maxkamadda racfaanka ee Kenya ayaa hore u go’aamisay in ardyada gabdhaha ee Muslimiinta ay xijaabka ku xidhan karaan iskuulada ay wax ka bartaan. Iskuulka ardaydan ay wax ka bartaan oo ah mid ay maal-geliyaan kaniisadaha Katoliga ayay maxkamaddu sheegtay in arrintan ay tahay arrin qaran oo u baahan in meel hoose laga soo bilaabo.

“Maxkamadda sare go’aankii ay maalin kahor soo saartay sida aniga aan u fahmay oo aan u akhriyay ayaa waxaa ay tahay in go’aanka xijaabka aysan maxkamadda sare ka hadlin oo ay tiri arrintan waa mid qaran oo haddii la rabo in go’aan laga gaadho ay tahay in dib loo soo bilaabo dhagesyigeeda”. Ayuu yidhi qareen Xassan Sheekh Cabdiacasiis.

Arrintan ayaa buuq badan iyo hadal ka dhalisay dalka Kenya, waxaana dad badan ay u qaateen in gabdhaha ardyad ee Muslimiinta loo diiday inay xijaabada ku tagaan iskoolada.

Dad badan oo ay kamid yihiin siyaasiyiin, cullimo iyo qareeno ayaa arrintan ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn sharciga dalka oo lagu “fuquuqayo ” ardayda Muslimiinta.

Xildhibaanka deegaanka Ijara Safiya Cabdinuur ayaa warbaahinta maxaliga ee Kenya u sheegtay in arrinta dadka ay khuseyso ay kala tashan doonaan, kadibna ay go’aan ka gaadhi doonaan tallaabada xigta.

Hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo cullimada Kenya oo la hadlayay wargeyska The Daily Nation ayaa ku hanjabay in arrintan ay la tiigsan doonaan cid walba oo ay quseyso.

 

Exit mobile version