Hargeysa (WJN)- Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo uu weheliyo Maayerka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco”, ayaa xadhiga ka jaray dhismeyaal cusub oo loo dhisay Ciidanka Dab-damiska Caasimada Hargeysa, kuwaasoo laga hir-geliyey Degmooyinka Ibraahim Kood-buur iyo Maxamuud Haybe.
Munaasibada xadhig ka jarista waxa kale oo ka hadlay Maayir ku-xigeenka iyo Masuuliyiinta Ciidanka Dab-damiska. Dhismeyaashan oo ay dhistay Dawladda hoose, ayaa waxa ku shaqayn doona Ciidanka Dab-damiska ee ka howl-gelaya labadaas degmo.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka