Jig Jiga (WJN)- Dhalinyaro ku sugan Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bilaabay inay soo saaran wargeyskii ugu horreeyay ee madaxbanaan ee kasoo baxa deegaanka.
Dr. Daahir Maxamed Tulux oo ah aasaasaha wargeyska Jigjiga ayaa sheegay inay diiradda ku saarayaan warbixinada taabanaya arrimaha bulshada,siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Wuxuu sheegay in isbaddalada ka dhacay Itoobiya ay u horseeday in maanta uu hirgeliyo wargeys si madaxbanaan uga howlgalo deegaanka oo soo bandhigi doono aragtida iyo firkadaha wax tarka u leh horumarka bulshada deegaanka.
Dhalinyaradan ma aheyn kuwoo saxaafadda kusoo dhex jiray balse waxaa ku khasbay inay ka faa’ideystaan isbadallada ka dhacay dalka Itoobiya si hal abuur ganacsi ay uga dhabeeyaan.
“Laakin ani ahaan marka aan arkay isbaddalka deegaanka iyo Itoobiya waxa ka dhacay…maadama xoritul qowlku noqday mid waaqici ah anoo ka duulaya fikrad hal abuur ganacsi ahaan u qaatay in aan sameeyo, anigoo weli an khibraddeydu aheyn in aan sameeyo wargeys” ayuu yidhi Daahir Maxamed Tulux.
Tulux wuxuu sheegay in arrintani ay uga golleeyihiin in dadka ay ku dadaalan akhriska iyo in warbixinada khuseeyo bulshada ay kusoo qoraan wargeyska.
Halkan hoose ka dhagayso
https://youtu.be/H04SpOW6hy8
WAJAALENEWS DESK
JIG JIGA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM