WAJAALE NEWS

Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Soo Bandhigay Fadhiyo Madaxwayne Cigaal Iyo Riyaale Su,aalo Lagu Waydiiyay, Sheegay In Aanay Jirin Qodobo Dastuuriya Oo Sicad Udiidaya!

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Maxamed abiib ayaa qoraal uu ku baahiyay bogiisa facebookga kga hadlay arimo la xidhiidha muranka ka dhashay in madaxwaynaha su,aalo lagu waydiiyay kulanka labada gole ee uu maalinta bari khudbada ka horjeedinayo iyo fadhiyo kuwan oo kale ah oo su,aalo lagu waydiiyay madaxwaynayaashii hore ee Somaliland Marxuum Cigaal Iyo daahir riyaale.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Abiib ayaa sheegay in aanay jirin qodobo dastuuriya oo sicad udiidaya in madaxwaynaha su,aalo la waydiiyo isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi.

“Walaw Aanay jirin Qodobo Dastuuriya oo si cad u  diidaya ama u ogolaanaya in M.wayne Suaalo lagu   waydiiyo kadib qudbadiisa kulanka labada Gole.

Inkasta oo ay jiraan qodobo xusaya in si gaara loogu yeedhi karo xukuumada  kulan ka baxsan kan labada Gole oo uu ugu horeeyo M.waynuhu.

Waxa jiri kara duruufo iyo qiilal fasaxi kara ama diidi kara, sida ku cad sooyaalka kulanadii labada gole ee xiligii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal marar badan ayaa suaalo kulankaa lagu waydiiyay, sidoo kale waxa iyadna la xusaa in Mudane Daahir Rayale isna waqtiyo wax lagu waydiiyay kulanka labada Gole.

Waxa iyadna jirta inaan marna Golaha wax lagu waydiin mudane Axmed  Siilaanyo iyo M.waynaha maanta Mudane Muuse biixi  oo markii u dambaysay muda xileedkiisa Bari subax Golaha Hor imanaya.

Marka aan isla garanay inaanay jirin qodobo diidaya iyo kuwo ogolaanaya  waxa in wax la is waydiiyo keenaysa xaaladaha waaqaca yaala iyo duruufaha ku hareeraysan Shacabkeena iyo Dalkeena, oo ay kamid yihiin kuwo dhaqaale, kuwo Doorasho, kuwo Aqoonsi, kuwo Amaan, kuwo Horumar iyo qaar kale oo la fili karo in madaxwaynuhuba soo qaadi karo.

Marxaladaha ayaa mararka qaar muhiim ka dhiga wax aan sharci waajibin ama diidin in laga doodo ama wax la iska waydiiyo.

Waxa iyadna aan meesha ka maqnayn oo wax is waydiinta  joojinkarta ama ogolaan karta Xaalka Hogaamiyaha Dalka inta aan ogaana M.wayne Muuse biixi waa nin isku kalsoon oo xogogaal ah oo ka jawaabi kara wax la waydiiyay sidoo kalana iska difaaci kara hadii Eedaba loo jeediyo ee halaga daayo dardaar warinta.

Ugu dambaynta waxan Madaxwaynehena usoo jeedin lahaa inuu  shaaciyo haduu diyaar u yahay  iyo hadaanu u ahaynba waydiimaha Mudanayasha labada Gole inta aanu bilaamin fadhiga bari hadii alla idmo.

Dadka qaar u haysta in waydiinta aan Dalbaynaa  tahay  ku xumayn M.wayne Muuse u gaara Xaasha aniga xagayga suuragalna igama aha oo xaata haduu Aabahay m.wayne ahaan lahaa in wax la waydiiyo waa jeclaan lahaa ana hadaan ahay aanaaba codsan lahaa in wax la i waydiiyo. Ilamana aha in madaxda Cabsida la baro oo wax qarxa looga dhigo wax is waydiinta, waxanan hubaa hadii madaxwaynuhu ka jawaabo inuu ka heli doono wax wanaagsan oo sixid iyo Ogaal u noqda.

Ilaahay qarankeena ha inoo barakeeyo.

Exit mobile version