WAJAALE NEWS

Taliska Ciidamada Somaliya Oo ka Hadlay Ninkii Ajanibka ah Ee lagu Dhex Dhaawacay Xabsiga Magaalada Muqdisho,

MUQDISHO (W,N)- Iyadoo maalintii shalay uu soo baxay war ku saabsan in gudaha xabsiga lagu dhaawacay qof u dhashay dalka Britain oo loo soo xidhay arrimo argagixiso, ayaa waxaa maanta ka hadlay taliska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jen. C/kariin Cali Afrax ayaa sheegay in labo maxbuus oo ka kala tirsan Ururrada Al-shabaab iyo Daacish weerar ku qaadeen qofka Ajnabiga ah ee la xirnaa, laakiin ka hor inta aysan dhibaato garsiin laga war helay lagana badbaadiyay.

”Labo ruux ayaa isku dayay in ay weerarraan oo dhibaato gaadhsiiyaan, laakiin waxaa arinka markiiba ka war helay taliska ciidamada Asluubta oo qorshahoodii fashiliyay ayuu yiri taliye ku-xigeenka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Wuxuu intaa ku darray in ay soo booqdeen islamarkaana caafimaadka maxbuska arkeen  Saraakiil ajnabi ah oo ka socday Shirkadda Bancraft  oo qiray in aysan waxba soo gaarin.

Warar maalintii shalay soo baxay ayaa sheegayay in shaqsiga u dhashay dalka Britain oo lagu qabtay oo dowladdu ka soo xidhay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho Sakiin ku weerarreen qaar ka mid ah maxaabiistii la xidhneyd.

Ninkan u dhashay Ingiriiska oo lagu magacaabo Anthony Thomas ayaa  todobaadkii hore ay Maxkamadda Gobolka Banaadir amartay in lagu sii  haayo, kaddib markii lagu soo eedeeyay dambi ah inuu khalkhal geliyay  amniga dalka gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo isku dayay in uu walxaha qarxa la raaco mid ka mid ah diyaaradaha caalamiga ah.

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version