WAJAALE NEWS

TALIYAHA CIIDANKA ASLUUBTA SOMALILAND AYAA HORUMAR LATAABAN KARO KU TALAABSADAY MUDOOYINKAN.WAR BIXIN

HARGEISA(WAJAALENEWS);Ciidanka asluubta Somaliland ayaa mudooyinkan danbe ku talaabsaday waxqabad muuqda oo ku salaysan aqoon,iyo kartid uu muujiyay taliyaha Sareeyo guuto maxamed xuseen faarax (xiirane)

Ciidanka asluubta Somaliland oo ah ciidanka qaabilsan gacan ku haynta maxaabiista, iyo daryeelidooda islamarkaan ah ciidanka sedexaad ee qaranka Somaliland sida uu dastuurku dhigayo ahna ciidan muhiima.

Waxayna qabtaan shaqo aad u balaadhan dhamaana waxay ka hawlgalaan xabsiyada dalka

Hadaba marka la eego waxqabadka ciidamada asluubta mudadii uu hogaaminayay SAREEYO GUUTO MAXAMED XUSEEN (XIIRANE)  ayaa ku talaabsaday horumar laxaadle waxaana kamida wax qabadkiisa .

1, Gaadiidka Ciidanka Asluubta JSL oo  dhamaantood  lagu Buufiyay Rinji Akhtar ah & Astaantii C/Asluubta JSL, laguna kor dhiyay Tiro kale oo Gaadiid ah

2,Waxbarashada Maxabiista Xadhig Yaraha ah, ama Mudada yari u hadhsantahay ee ku jira  Xabsiga Mandheera oo la barno  Farsamada Gacanta , sida Foorniijerka , Lebanka oo wakhtigana shaqeeya dhalinyar badanina ka fa,iideen dhawaana lagu doonsiin doono shafaado katur jumaysa waxbarashadii ay barteen,

3,Bulaacadaha Xabsiga Hargaysa oo iyana gabi ahaanba la sameeyay

4;Dhismaha Xabsiga Laas-caanood oo isna dhamaaday, si Fiicana loo dhamaystiray Xadhigana dhawaan laga soo jaray Hadana shaqeeya

5;Dhisida  Derbiga  Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta  si bilicda Xeradu u muuqato iyo ta guud ee dalkuba.

Waxana  dhamaan laga mabnuucnay Xabsiyadda JSL  Jaadka, Sigaarka & dhamaan wixii  Maan dooriye ah ee Xiska Qofka bedelaaya.

Waxa kale ay sameeyen isku xidhka I& Taliska Guud ee C/Asluubta  oo imika si fiican u wada Xidhiidhaya  taas oo aanu hore Ciidanka Asluubtu u lahayn,

6; Waxay  kale dhisme ka socdaa xabsiga madheera oo lagu samaynayo dayactir balaadhan.

7;Xabsiga G/Hawd ee Bali Gubadle oo lagu sameeyay  Dayactir , Xabsigaas oo ahaa Xabsi aad u Gaboobay Dayac badanina ka muuqday

 

8;Mashruuca Wajaale  oo laga  Dhisnay Xabsi kaasi oo laagu. talo galay in Maxaabiista Xadhig yaraha ah lagu Xidho iyagoo Xoogoodana looga   Faa’iidaysanayno beeraha inta ay xabsiga ku jiraan

Dhanka kale waxaa maalmahan buuqasho ku joogay dalka wafti balaadhan oo ka socday wadamada Norway, Denmark, Holland, iyo Australia waxaana ku wehelinaysay hay’adda UNODC oo safarka qaban qaabadiisana lahayd waxaana weftigan oo uu hogaaminaayey Safiirka Dalka Australia Mr. Geoffrey Tooth ‘ayaa waxay buuqasho ku tageen xabsiyada Somaliland gaar ahaan jeelka hargeisa iyo madheera iyagoo u kuur galay xaalada dhabta ah ee maxabiista xabsiyadaa

Waxaana safarkoda gadhwadeen ka ahaa taliyaha ciidanka asluubta .

Waxayna indhahooda ku soo arkeen maxaabiisa oo ku hawlan qaybaha kala duwan ee xirfadaha labaro aadna way uga mabsuudeen horumarkaa lagaadh siiyay maxaabiista.

Haayada unodc ayaa iyadu lashaqaysa ciidamada asluubta iyadoo ka tageerta xaga maxabista danbiyada lagu haysto iyo qaybo kale

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version