Warku waxa kale oo intaa ku
daray in ilaa iyo hada la helay Meydadka in ka badan 143 qof oo ka mid ahaa dadkii doontan saarnaa ee qararqmay, Sidoo kale ciidamadda samata-bixinta ayaa sheegay in badda oo aad u kacsan awgeed weli la la?yahay geeri iyo nolol dadkii muhaajiriinta ahaa.
Jasiiradda Lampedusa oo u dhaxaysa dalalka Talyaaniga iyo dalka Tunisia waxay ka mid tahay marinnada ugu waaweyn ee ay dadka tahriibayaasha ahi ay soo mraan si ay u soo galaan dalalka ku yaala Yurubta Galbed si ay u helaan nolol ka wanaagsan ta ay ka soo haajireen.
Masuuliyiinta sarsare ee Jasiirada Lampedusa ee dankaw Talyaniga ayaa sheegay in doontan qaraqantay ay saarnaayeen Shan Boqol oo Tahriibayaal ah oo ka soo kala jeeda Arikaan oo ay ku jiraan dad Soomaali iyo Eriteriyaan ah, waxaanay dhacdadan muragada iyo naxdinta lihi ay noqonayaa markii Labaad ee usbuuc gudihii ay dad tahriibayaal ahi ay ku dhintaan badaha xeebaha dalka Talyaaniga.
Geesta kale, warku waxa uu intaa ku daray in dadka tahriibayaasha ah ee doontan ku dhintay ay ka mid ahaayeen dumar uur leh iyo caruur. waxaana lagu soo waramayaa in doontan qaraqantay ay ka soo shiraaqatay xeebaha biyaha badda ee magaalada Misrata ee ku taala dalka Libya.
Dalka Talyaaniga ayaa maanta laga xusayaa maalin baroordiiq ah oo loo samaynayo dadkan Arikaanka ah ee tahriibayaasha ah ee aadkau tirada badan eek u dhintay biyaha badda ee xeebaha jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.
KALA SOCO WARARKAAS WAXII KA SOO KORDHA WAJAALENEWS.NET
Wajaale News
Hargeysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com
Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane