WAJAALE NEWS

“Ma Jiro Xeer Madaxweynaha Awood U Siinaya In Uu Kala Diro Gudida Doorashooyinka”. Siyaasi Uurcade

Hargeysa (WJN)- Xoghayihii hore ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, ayaa ka hadley muranka xisbiga mucaaridka ee ku aadan kala dirida gudida Koomiishanka Doorashooyinka, Isagoona sheegay inaanu jirin xeer Madaxweynaha awood u siinaya inuu kala diro gudida Doorashooyinka.

Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Uurcade, ayaa ka hadley tabashada Xisbiga Waddani uu ka qabo gudida Doorashooyinka, waxaanu u soo jeediyay in cabashadooda u gudbiyaan Hay”adda Garsoorka.

Dhinaca kale waxa uu golaha Wakiilada ku eedeeyay masuuliyada dib u dhaca Doorashooyinka iyo mudo kordhinta loo sameeyay.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version