WAJAALE NEWS

Halkey Ku Dambeyeen Dhalinyaradii Arooska Qarniga Loo Dhigay Ee Jigjiga?

Jigjiga (WJN)- Dhalinyaradii magaalada Jigjiga la isugu guuriyay billawgii sanadkii hore ee qaarkood ka soo jeedeen qoysaska la hayb sooco ayaa ka hadlaya xaaladooda.

Waxaa BBC-da loo xaqiijiyay inay badankooda kala tageen, inta wada joogtana aysan hada ku nooleyn siday filayeen.

Arooska dhallinyaradan ayaa la qabtay bishii April 2018-ka, waxayna sheegayaan in xaaladooda wax weyn iska baddeleen tan iyo xilligaasi.

Shamsu Diin oo ka mid ah dhalinyaradaas ayaa BBC-da u sheegay inay la xidhiidheen xukuumada cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya balse aanay wax jawaab ah ka helin.

”Waxaan aad uga damqanayaa dadka gobolada fog fog laga keenay, oo muddo sagaal bilood ah guri inta la fadhisiiyay la yidhi dowlad ayaa idin maqan, tu hore iyo tii dambe xita cidna aanan ka soo war doonin, hadana tani waa mid dowlada looga baahanyahay inay jawaab ka bixiso” ayuu yidhi Shamsu Diin.

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dadkaasi u ballan qaaday inay xukuumadiisa masruufi doonto in muddo ah.

Balse dhowr bilood kaddib arooskaasi, Cabdi Maxamuud Cumar xukunka ayaa laga qaaday, xabsiga ayaana loo taxaabay.

”Dadkii guryo ayaa la galiyay qalabeysan wax intaa dhaafsiisan oo na soo gaadhay majiraan, wax na soo gaadhay majiraan mid hore iyo mid dambe”, ayuu yidhi Shamsu Diin oo BBC-da la hadlayay.

Wuxuu ahaa go’an lagu tilmaamay mid geesinimo leh oo la’iskugu soo dhaweeynaayay dadka la hayb sooco iyo qabaa’ilka kale.

Xaawa Cabdiqadir waxay ka mid ahayd dhalinyaradii uu arooskooda ka dhacay hoolka Sayid Maxamad Cabdulle Xassan 15kii bishii April ee sanadkii tagay, waxaa laga keenay degmada Mustaxiil oo aad uga fog magaalada Jigjiga, waxay aaminsantahay in qoyskii loo asaasay ay hadda dhibaato soo wajahday.

”Si farxad leh ayaan ku imid Jigjiga, waxaan ka mid ahaa dhalinyaradii loo dhigay arooskii qarniga, guryo xukuumada way na siisay waana naloo goglay, markaan hore u socon lahayn qabtii ayaa dhacday oo waa lagu kala tagay, hadda dad ayaa raba inay naga saaraan guryihii nala siiyay, waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha in wixii la bilaabay uu dhameystiro” ayay tidhi Xaawa Cabdiqadir.

Arin inay sii socon doonto la aamin sanaa ayay ahayd laakin hadda waxaad moodaa sida ay sheeganayaan inay halkaas ku dhamaatay.

Dowlad Deegaanka Soomaalida

Xasan Maxamad oo ah madax xafiiseedka madatooyada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in aanay arag wax qoraallo ah oo la xidhiidha arrintaasi,

Waxaa uu sheegay inay ku habbooneyd in arrintan laga soo galo dhanka hoggaamiye dhaqameedka iyo bulshada halka ay dowladdu fulin lahayd,

Xasan ayaa sheegay in mashruucii hore u muuqday miday dowladda dabada ka riixeysay.

Guurka Soomaalida

Guurka Soomaalida ayaanan ahayn oo keliya xidhiidh u dhaxeeya arooska iyo aroosadda balse sidoo kale waxa uu yahay xidhiidh u dhaxeeyo qoysas iyo qabiilo.

Bulshada Soomaalida dhexdeeda ayaa isdhexgalka guurka ku xidida, balse xaaladda qabiilka Gabooyaha ayaa ka bedalan arrintaas.

Qofkii ka guursadana waxa uu halis ugu jiraa in la deyriyo.

Bilowgii bishii September ee sanadkii tagay ayaa dhacdo la yaab leh ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii nin loo gubay wiil uu adeer u yahay gabadh ka guursatay beel ka mid ah kuwa ku xooggan Muqdisho.

Wuxuu ahaa dil aan dhawaan noocisa lagu arkin degaanka Soomaalida, waxaana loo gaystay marxuum Axmed Mukhtaar Saalax.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/74AxrxuIFYE

Exit mobile version