WAJAALE NEWS

DAAWO;-Odoyaasha Magaalada Xariirad Oo Hadlay Weerar Lagu Burburiyay Ceel Biyood Ku Yaala Tuulada Habaas Ee Gobolka Salel Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada.

Xariirad(W,N) Odoyaasha iyo bulshada ku dhaqan Deegaanka magaalaada xariirad ee gobolka salel oo mudooyinkii udanbeeyay ay taagnaayeen khilaaf udhexeeyay beelaha wada dega ayaa  ka hadlay weerar habeenkii xalay lagu burburiyay ceel biyood ku yaala tuulada Habaas.

Waxgaradka deegaanka ayaa xukuumada ugu baaqay in ay si deg deg wax uga qabato cida ku kacday falkan.

Sidoo kale bulshada deegaanka ayaa ku hanjabay hadii xukuumada dhacdooyinka ka taagan gobolka salel ay waxka qaban waydo in ay gacantooda waxkaga qaban doona iyagoo falkan ku eedeeyay madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici in uu cid gaara taageerayo

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version