Hargeysa (WJN)- Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Hinda Jaamac Xirsi, ayaa furtay Tabobbar la xidhiidha ka hor-tagga iyo wax-ka-qabashada Tacaddiyadaka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta, halka ay Tobobbar kale oo laba cisho socday u soo xidhay Labaatan Suxufi iyo toban Garyaqaan, kaas oo ku saabsanaa hirgelinta Shuruucda Bulshada ee Wasaaraddaasi waddo iyo doorkii ay Warbaahintu ka qaadan lahayd in Bulshada la gaadhsiiyo.
Ka hor Wasiirka Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska,ayaa kulammadaas ka hadlay, Maamo Luul oo Waaxda Qoyska ee Wasaaraddaas u qaabbilsan iyo xubno kale, waxaanay dhammaan ka warrameen Tobobbarradan iyo muhiimadda ay u leeyihiin cidda la siiyey iyo qaybaha Dadweynaha ee la doonayo in loogu adeego.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka