WAJAALE NEWS

Madaxweyne Biixi Oo Martiqaad Hadhimo-Sharafeed Ah Ufidiyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jsl Iyo Dareenada Ku Xeeran!!

 Hargeysa(W.N)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadhimo-sharafeed u samayn doona xildhibaanada golaha wakiilada, Sabtida haddii Alle idmo.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay fadhigii golaha wakiiladaoo saxaafadda banaanka looga saaray, wuxuu xildhibaanada u sheegay in Madaxweyne Biixi uu Sabtida hadhimo u sameeyay xildhibaanada. Guddoomiyuhu mabixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Qadadan iyo  inay jirto ujeedo siyaasadeed oo ka dambaysa qadada uu madaxweynuhu ku casuumay xildhibaanada.

Laakiin xildhibaanada ayaa aaminsan in Madaxweyne Biixi uu kala hadli doono Arrimo siyaasadeed oo laga yaabo inay ugu horayso muddo kordhinta la doonayo in loo sameeyo Golaha Wakiilada markii shannaad maadaama oo ay doorashadii dib udhacday.

Waxa suurtogal ah in Madaxweynuhu xildhibaanada ka codsado inay la qaataan in muddo kooban oo bilo ah loo kordhiyo golaha si aanay doorashada wakiiladu u dhaafinsannadka 2019.

XIGASHO GEESKA.

Exit mobile version