WAJAALE NEWS

“Fursada Ay Maanta Somaliland Haysato Labada Sano Ee Soo Socda, Waa Fursad Hadii Ay Ina Seegto Si Loo Heli Doono Aynaan Garanaynin”.Madaxweyne Biixi

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay bandhigga Carwadii siddeedaad ee Somaliland, ayaa ka hadley marxaladihii kala duwanaa ee ay ganacsatadu kala soo tabbaalatay dalka iyo sidii ay ugu soo dhabar-adaygeen duruufihii adkaa ee dalku soo maray, waxana uu ka codsaday inay ka fiirsadaan tayada waxyaabaha kala duwan ee ay dalka soo gelinayaan, muhiimad gaar ahna siiyaan tayada iyo waxtarka waxyaabaha kasoo baxaya wershadaha kala duwan ee ay ganacsatadu dalka gudihiisa ka hirgelisay.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu hoosta ka xarriiqay in isku-duubnida aqoonyahanka, dhaqaale-yahanka iyo hoggaanku tahay jidka kaliyaha ee lagu hormari karo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Horumarka dalka saddex qodob baa tiirar u ah, mid waa dhaqaale, midna waa aqoon, midina waa hoggaamin. Haddii aynnu saddexdaas tiir isla helno oo ay isla jaanqaadaan faqriga iyo baryadaba weynnu ka baxaynaa.”

Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay Somaliland haysato fursad qaali ah oo u baahan in laga faa’iidaysto, islamarkaana ay beesha caalamku si weyn ugu soo jeeddo Somaliland, xukuumad ahaanna ay diyaar u yihiin inay fursaddaas uga faa’iideeyaan bulshada, “Fursadda ay maanta Somaliland haysato labada sano ee soo socda, waa fursad haddii ay ina seegto si loo heli doono aynnaan garanaynin, iyada oo aan la ina ictiraafsanayn oo weliba qolo aynnu beri dawlad wada lahaan jirney inoo hanjabayso oo ay meel walba inagala dagaallamayso, haddana Ilaahay wuxuu qaddaray maanta in caalamku Somaliland usoo jeedo, cid kasta Bari iyo Galbeed wax Allah iyo wixii lacag lahaa maanta way inoo soo jeedaan, haddaynaan ganacsatadeedan, aqoonyahankeenna iyo dawladdeennu arrintaas ka faa’iidayn taariikhdu ina saamixi maysa’e ogaada inteenna maanta xilka haysaay, annaguna xaggayaga diyaar baannu ka nahay” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale Madaxweyne Biixi waxa uu farriin u diray cid kasta oo laf-dhabar u ah horumarka qaranka, isaga oo caddeeyey in xukuumad ahaan ay doorkooda ka qaataan ka midho-dhalinta himilada horumarineed ee qaranku leeyahay, waxana uu yidhi, “Farriintaydu waa qaybta dhaqaalaha xorta ah, aqoonyahanka iyo xukuumadda saddexdaba masuuliyad baa ina saaran, annaga xukuumad ahaan taayada Ilaahay nooma xilqarin oo Labaatan jir Mudug jooga Alle uma xilqarin, diyaarna waannu nahay waayo-araggeedana waannu nahay, labada qaybood ee kalena waxannu doonaynaa inay hawsha nala soo galaan oo aynnu ka wada shaqaynno.”

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version