WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa- Hay’adda FOA u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya+ Sawiro.

Hargaysa(Wajaale News):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa- Hay’adda FOA u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kalena ah Madaxa Kenya u qaabilsan ahna Madaxa Geeska ee FOA, Mr. Luca Alinovi iyo Ku xigeenkiisa.

Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Beeraha JSL, Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Mudane, Cabdilaahi Ismaaciil Faarax iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane, Cali Axmed Cali.

Kulanka ka dibna waxa Warbixin ka siiyey saxaafada Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka ugu danbayna waxa halkaasi ka hadlay Luca Alinovi.

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Email:wajalenews@gmail.com

Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version