Hargeysa (WJN)- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa ku baaqay in loo hoggaansamo awaamiir uu soo saaray 27kii October ee sannadkan, oo lagaga mamnuucay Tagaasida VITZ-ta inay qaadaan rakaab iskaga kala gooshaya gobollada Dalka.
War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka Gaadiidku oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Shabakada Wararka ee Wajaalenews, ayuu ku sheegay in qaraarkii uu hore u soo saaray looga dan lahaa ilaalinta bed-qabka nafta iyo maalka dadweynaha Somaliland.
Cabdilaahi Abokor Cismaan Wasiirka Gaadiidku wuxuu sheegay in aan loo diidin Tagaasida VITZ-ta ee loo yaqaanno “Dukhaanka” inay ka dhex shaqeystaan gobol walba inta Maayarrada degmooyinku xukumaan oo sharciga waddooyinku jidaynayo inay ka shaqeytaan.
War-saxafadeedka Wasiirka waxa kaloo lagu xusay in muwaadiniinta ruqsada u haysata tagaasida VITZ-tu ay go’aankiisa racfaan uga qaadan karaan maxkamadda sare ee Somaliland, taasi oo arrintan ka soo saari karta go’aan kama dambays ah.
Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka.