Wasiirka Gaadiidka oo Si Adag U Difaacay Go’aankii Uu Ka Soo Saaray Tagaasida VITZ-ta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Gaadiidka oo Si Adag U Difaacay Go’aankii Uu Ka Soo Saaray Tagaasida VITZ-ta
November 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa   ku baaqay in loo hoggaansamo  awaamiir uu soo saaray 27kii October ee sannadkan, oo lagaga mamnuucay Tagaasida VITZ-ta inay qaadaan rakaab iskaga kala gooshaya gobollada Dalka.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka Gaadiidku  oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Shabakada Wararka ee Wajaalenews, ayuu ku sheegay in  qaraarkii uu hore u soo saaray looga dan lahaa ilaalinta bed-qabka   nafta iyo maalka dadweynaha Somaliland.

Cabdilaahi Abokor Cismaan Wasiirka Gaadiidku wuxuu sheegay in aan loo diidin Tagaasida VITZ-ta ee loo yaqaanno “Dukhaanka” inay ka dhex shaqeystaan  gobol walba inta  Maayarrada degmooyinku xukumaan oo sharciga waddooyinku jidaynayo inay ka shaqeytaan.

War-saxafadeedka Wasiirka  waxa kaloo lagu xusay in muwaadiniinta ruqsada u haysata tagaasida VITZ-tu ay  go’aankiisa racfaan uga qaadan karaan maxkamadda  sare  ee Somaliland, taasi oo arrintan  ka soo saari karta go’aan kama dambays ah.

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka.

COMMENTS
LINKS