WAJAALE NEWS

Suldaan Xasan Oo Socdaal Dareeno Kala Duwan Abuuray Ku Tagay Magaalada Gabiley Iyo Qorshe Ay Wateen Xubno Xukuumada Ka Dhow Oo Fashilmay.

GABILEY(W,N) Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Ayaa Maanta Galinkii danbe  Socdaal Aan ujeedadiisa la shaacin ku tagay magaalo madaxda Gobolka Gabiley kaasi oo Abuuray dareeno guux badan ka dhex Dhaliyay shacabka ku dhaqan Magaalada Gabiley.

Ujeedada socdaal Suldaan Xasan ayaa ahaa mid aan si rasmi Loo Ogayn waxa udaarnaa balse wararka  xogogaal ah oo aanu ka helay ayaa tibaaxay in  dalabkiisa ay halaayeen kooxo ka dhaw Xubno Xilalka haya xukuumada madaxwayne muuse bixi kuwaasi oo iyagu qorshaynayay in uu qayb ka noqday jawaabta   hadal dhawaan uu suldaan guud ee gobola gabiley kaga xaalada dalku marayo oo ay dhibsadeen xubnahana xilalka ka haya ee kooxdani ku shaqaynaysay dareenkooda,

Iyadoo Wararka socdaalka suldaanku  ujeedadiisa ku sheegeen in suldaanku gabily uyimid  ahayd sidii loo abuubuli lahaa cuqaal iyo odoyaal ujawaaba suldaan Ismaaciil kuwaasi oo lagu waday suldaan xasan qayb ka noqdo   balse uu qorshahaasi fashilmay kadib markii odoyaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada reer gabiley ee loo bandhigay Arintani  ay ka biyo diideen kuna wargaliyeen xubnihii hawshan watay in aanu arinkaasi suurto gal ahayn,

Dhanka kale socdaalkan suldaan xasan ayaa dareeno shaki ah ka dhex abuuray bulshada reer gabiley taasi oo keentay in ay hoosta ka xariiqaan sobobta suldaan xasan ay kooxdani usoo dalbadeen iyo hadii jawaab laga bixiyo hadalkii suldaan ismaaciil saamaynta iyo khilaafka ay abuuri doonto iyagoo dhanka kale qorshahan la xidhiidhiyay hadiiba doonista xukuumada Madaxwayne Biixi uu sidan yahay halka ay ku danbaysay taageeradii miisaanka lahayd ee ay muuse biixi siiyeen xiligii uu u ordayay kursiga madaxwaynenimada in jawaabta suldaankii gobolka  hormood looga soo dhigo suldaan xasan oo madaxwayne muuse biixi ay jufo hoose isku yihiin.

Dhanka kale waxaa fashil ku yimid qorshihii  ay wateen xubnahan masuuliyiin xukuumada kamida ah gacan saar dhow lalihi oo iyagu damac sanaa in suldaan xasan gabiley uga jawaabo suldaan dhigiisa ah ee isaga oo mansanka xildhibaan golaha guurtida kaga hadlay xaalada dalku uu marayo oo masuuliyad ahaan noqonaysa xilka ay qaranka u hayaan golaha guurtidu.

Walow Suldaan Xasan Suldaan Cabdilahi uu isagu dhankiisa ka cudur daartay fulinta qorshahan uuna  Kooxdan u sheegay  in aanay suurto gal ahayn in uu arimahaasi ka hadlo.

Bulshada reer gabiley ayaa iyagu siwayn u taageeray hadalkii suldaan ismaaciil suldaan cabdiraxmaan kana marag kacay in  xaalada dalku marayso meel adag oo u baahan in wax laga Qabto.

Sikastaba ha ahaatee waxaa mudooyyinkii udanbeeyay bulshada reer gabiley siwayn u saluugsanaayeen sida uu madaxwayne muuse biixi u wado majaraha dalka iyo sida aan gabashada lahayd ee uu xilalkii qaranka sanbursiimada ugu siiyay jufadiisa hoose oo xilalka ugu badan uu ku taxay halka shacabka kasoo jeeda gobolka gabiley ee saldhiga u ahaa guushii uu kursigan ku hantay aanu xilal muhiimka ah uga siinin xukuumadiisa kuwaasi oo shan jeer ay ka badan yihiin xilalka uu ku taxay jufadiisa hoose,

Halka Qaarkamida waxgaradka gobolka ay Dhawaanahan  ku hawlanayeen  sidii waxgaradka gobolku ay isugu iman lahaayeen shir ay kaga  ka tashanayaan Aayahooda kaasi oo lagaga arinsan doono xaalada dalka iyo sida uu madaxwayne biixi u hagraday doorkii ay ku lahaayeen, xukuumada iyo guushii uu ku hantay Talada Dalka.

Wajaalenews desk

Gabiley office

 

Exit mobile version