Hargeysa (WJN)- Waxaa maalintii labaad ka socda hotel Ambasador ee magaalada Hargeysa Shiweynihii sanad laha ahaa ee Saxaaafada Somaliland.
Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta galinka danbe lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, waxaana looga hadlayaa arrimo badan oo ku sabsan dhaqan gelintaa xeerka saxaafada, Caqabadaha haysta Saxaafada iyo sidii looga gudbi lahaa.
Dhinaca kale Gabagabada Shirkan ayaa lagu wadaa in uu soo ka soo qayb galo MadaxweyneKu-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” iyo Guddoomiyaha Xisbiga mucaariddka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin kale.
WAJAALENEWS.NET
HARGEYSA OFFICE