WAJAALE NEWS

Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Somaliland oo Tobabar Loogu Soo Xidhay Kuuliyada Cabdilaahi Askar Ee Darar-weyne

Darar-weyne (WJN)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil “Saylici” ayaa maanta tobabar u soo xidhay dufcadii 6aad ee ka qalin jebisay kuuliyada Cabdilaahi Askar ee Dararweyne.

Ciidamadan kala duwan ee qalin jebiyay ayaa isugu jiray Ciidamada Qaranka, Asluubta, Booliska, Xeebaha iyo kuwa nabad geliyada, Waxaana munaasibadan ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ay weheliyaan Taliye ku-xigeenka Ciidanka Qaranka, Hogaanka tobabarada ciidanka Qaranka, Wasiiro, Saraakiil iyo Saraakiil ku-xigeeno.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

Exit mobile version