WAJAALE NEWS

Maxkamada Sare Ee Somaliland oo Maanta Dhagaysiga Dacwado Ka Biloowday Magaalada Burco

Burco (WJN)- Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxa ay maanta magaalada Burco ka biloowday dhagaysiga dacwado kala duwan oo isugu jira xukuno cusub iyo dib u eegis xukuno hore oo ay hore u fuliyeen maxkamadaha kala duwan ee dalka.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Prof: Aadan Xaaji Cali Axmed oo ay weheliyaan xeer ilaalinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhagaysiga kiisaskan isagoona sheegay in ay dhamaan gobolada dalka iyo xabsiyada ay ka bilaabi doonaan dhagaysiga kiisaska dacwadaha.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version