WAJAALE NEWS

DAAWO; Maayarka Caasimada Somaliland Oo Dalka Jabuuti Kaga Gaybgalay Shirka Maayaradda Wadamada Islaamka.

JABUUTI(W,N) Maayarka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Sotelco) ayaa dalka Jabuuti kaga qaybgalay shir caalamiya oo ay iskugu yimaadeen Maayarada Wadamada Islaamka ah.

Shirkan oo ay kasoo Qaybgaleen Madaxda Dalka Jabuuti oo Uu Ugu Horeeyo Raysalwasaaraha Dalka jbuuti, Maayarka Caasimada Jabuuti iyo xubno kale ayaa  socon doona laba cisho kaasi  lagaga hadlayo sidii ay isku kaashan lahaayeen Maayarada Wadamada Islaamku, waxana sidoo kale  lagu lafa guri doono Arimo door ah oo ku saabsan sidii loo Mataanayn lahaaa caasimado badan oo kamida kuwa Wadamada islaamka ahi.

Maayarka Caasimada hargaysa ayaa waxa shirkan lagu gudoonsiiyay Shahaado sharaf Muhiim iyo hadiyad kale oo Qaali ah taasi oo uu Gudoonsiiyay Raysalwasaaraha dalka Jabuuti.

 

Maayar Cabdiraxmaan Soltelco Oo Arimahaasi ka hadlaya ayaa Wuxu yidhi “Ugu horayn Waxaan ku faraxsan nahay kasoo qaybgalka Shirkan  Maayarada wadamada islaamka ah oo ay dalka jabuuti marti Galisay.

Dhanka kale maayarka casimada hargaysa ayaa dhambaal hambalyo ah udiray gudoomiyaha cusub ee Maayarada Wadamada Islaamka oo loo doortay Maayarka Caasimada Jabuuti” Anigoo ku hadlaya magaca jamhuuriyada Somaliland waxaan hambalyo udirayaa maayarka caasimada jabuuti ee loo doortay Gudoomiyaha Maayarada wadamada islaamka Oo Aan Leeyahay Xilkaa Culus ee lguu Doortay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Shirkan ayaa socon doona laba cisho kaasi oo diirada lagu saari doono arimo door ah,

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version